Monday, June 23, 2025

Bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo Bishii Saddexaad hakad ku jira & shacabka oo cabanaya [Akhriso]

Waxaa bishii saddexaad galay markii uu joogsaday bixinta Baasaboorka Soomaaliga, iyadoo dadweyne fara badan ay subax waliba tagaan xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa doonaya inay helaan Baasabooro ay xareeyeen saddex bilood ka hor, waxayan qaarkood sheegeen in bishii November ay doonayeen inay qaataan Baasaboor, halka kuwo cusub oo baahi u qaba Baasaabooro aya waayeen cid qaabisha iyo cid la hadasha, iyadoo uu hore u shaqeyn waayey balanqaadkii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha. [Akhriso Warkan]

Waxaa hadda muddo 3-bilood ah maraya markii la joojiyey bixinta  Baasaboorka Soomaaliga, arrintan ayaa ka dhalatay khilaaf soo kala dhex galay dowladda Federaalka iyo shirkadda Qandaraaska ku heysatay Daabicista oo xilliga ka dhammaaday, kuna ekaa Disembar 2018, balse aan daabicin tirada Baasabooradii lagula heshiiyey oo dhammaa 2 Milyan oo Nuqul.

Ad

Shirkadda iyo dowladda Soomaaliya ayaa isku fahmi waayey cusbooneysiinta heshiiska, waxaana markii dambe Qandaraaska la siiyey shirkad kale oo aan diyaar ahayn, taasoo keentay dib u dhac iyo waqti dheer oo aan laga baaraan degin inuu maqnaado adeegga Baasabooka.

Sida ay sheegeyso xog ay heshay Gobjooge.net Dowlada Soomaaliya ayaa heshiis qarsoodi ah la gashay shirkad ay leedahay haweeney ajnabi ah oo degan xarunta Xalane, taasoo weli aanay u suuragelin inay bilowdo dib u daabicista Baasaboorka.

HOOS KA AKHRISO

XOG: Bixinta Baasaboorka Soomaaliya oo Bishii labaad Xayiran & Shirkad Mareykan ah oo la siiyey Qandaraaska

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON