Muuse Biixi: “Dowladda Farmaajo waxay Dagaal qaawan ku heysaa Somaliland” [Daawo Weerar culus]

Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay cunaqabateyn dhinac waliba ah ku heyso maamulkiisa.

Isagoo ka hadlayay munaasabada xuska ciidamada Somaliland ayuu ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu dagaal dhinac waliba leh ku hayo Somaliland, isla markaasina uu saartay cunaqabteyn.

“Dowladda Xamar ka dhisan ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ilaa maalintii la doortay ilaa maanta waxay weerar qaawan oo joogto ah  ku hayaan Somaliland.. Dagaalka dhaqaale waa joogto… kan cunaqabateyn waa joogto… dowladaa Xamar ka dhisan ee Baydhaba weerareysa .. ee kismaayo u hub sameysaneysa ee Puntland dirqi kaga baxsatay.. ee Somaliland dagaalkaa ku heysa… ee iyadii ay ilaaliyaan ciidamo Q/Midoobay.. ee Q/Midoobay la dagaalameyso garan meyno inta ay fitnadeeda gaari kareyso..” ayuu yiri Muuse Biixi.

Ad

Muuse Biixi ayaa sheegay in Farmaajo uu Xad beelaad ka doonayo Somaliland iyo Puntland dhexdooda isna uu Xamar ka talinayo, wuxuuna dadkiisa uga digay siyaasadda Soomaaliya ka socota ee fogeynta dadka kasoo jeeda Somaliland.

HOOS KA DAAWO

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

120,969FansLike
799FollowersFollow
2,974FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!