Tuesday, June 24, 2025

Booliska Gaarka ah & Eeyo baaritaan ka wada Madaxtooyada Soomaaliya, kadib Digniin Amni oo….

Baaritaano amni ayaa ka socda Madaxtooyada Soomaaliya iyo dhismeyaasha ku dhex yaalla xeydaabka madaxtooyada oo ay ku jiraan wasaarado iyo xarumaha ciidamada, kadib digniin amni oo la sheegay in la helay.

Baaritaanka ayaa waxaa wada ciidamada Booliska Gaarka ah oo adeegsanaya Eeyo, waxaana la baarayaa dhammaan xafiisyada xarumaha ku dhex yaalla Madaxtooyada Soomaaliya iyo dadka ka howlgala, iyadoo maanta baaritaanku saameeyay Wasaaradda Warfaafinta ee xarunta TV-ga iyo Raadiyaha dowladda ka howlgallaan.

Baaritaanka oo ka soo bilowday Madaxtooyad ayaa sidoo kale lagu sameeyay Xarunta taliska Booliska, waxaana la sheegay inuu sii socon doono, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan sababta keentay baaritaankan, kadib markii digniin amni laga helay hay’adaha amniga, waxaana amar ku bixisay agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Aamina Siciid Cali.

Shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta la baaray ayaa cabasho ka muujiyey Eeyaha loo adeegsanayo baaritaanka oo Soomaalida ay xasaasiyad ka qabto

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON