Thursday, June 8, 2023

Booliska Magaalada Muqdisho oo qabtay Nin Toorey ku dilay Wiil uu dhalay

Taliska Booliska caasimadda Mudisho ayaa shaaciyey inay gacanta kusoo dhigeen Nin ku eedeysay dilka wiil saqiir ah oo uu Mindi ku dilay.

“Ciidanka Saldhiga Boliiska Degmada Cabdicasis ee Qeybta Guud Gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku soo dhigay edeysane Maxamad Cali Cilmi Ina Xaawo Cali Iimaan 45 sano jir ah, oo ku eedeysan inuu Degmada Heliwaa Toorey ku dilay wiilkiisii Marxuum Maxamuud Maxamed Cali Cilmi oo 6 sano jir ahaa”.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliska G/Banadir.

Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha ay ku socota baaris falka uu galay, isla markaana uu wajihi doono Maxakamada Awooda u leh si sharciga loo waafajiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!