Wednesday, June 25, 2025

Booliska Muqdisho oo raadinaya Macallin Iskuul oo ku eedeysan inuu dilay Xaaskiisa (Akhriso)

Booliska magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey inuu ku raad joogo eedeysane fal dil ah kula kacay haweeney xaaskiiska ahayd 4 June 2021.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali ayaa shir jaraa’id ka sheegay Galabta inuu baxsaday eedeysane Bashiir Cali Jaamac, kadib markii uu dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Salaado Faarax Cali oo ahayd 22 sano jir ahayd.

Wuxuu intaas ku daray in eedeysanaha Bashiir Cali uu ahaa Macallin wax ka dhiga Iskuulka Hantiwadaag oo ku yaalla degmada Wardhiifley ee magaalada Muqdisho, balse ay Boolisku ku daba jiraan.

Kiiskan oo ka furan xarunta CID-da ayuu sheegay afhayeenka Booliska inuu socdo baaritaanka, wixii kasoo kordhana ay dib kasoo sheegi doonaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON