Sunday, July 13, 2025

Booliska oo shaaciyay Qasaaraha Weerarkii Hotel Pearl Beach iyo Meydad lagu arkay…

Taliska Ciidamada Booiiska Soomaaliya Goor dhoweyd War kasoo saaray weerarkii xalay maleeshiyada Alshabaab ku qaaday Hotelka Pearl Beach ee yaalla Xeebta Liido, magaalada Muqdisho.

Qoraalka Booliska kasoo baxay ayaa lagu sheegay in 9 ruux oo 6 ka mida ay shacab yihiin iyo 3 Askari ay ku dhinteen weerarka, 10 kalena ay ku dhaawacmeen, iyado Weerarka lasoo af jaray 2:00 ee xalay saqda dhexe kadib.

Dhinaca kale Booliska ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ilaa 7 Alshabaab ah naftood haligeyaal ah ay weerarka qeyb ka ahaayeen, lagana soo badbaadiyey Hotelka 84 Qof.

Dhinaca kale saxafiyiinta tegay Goobta ayaa kusoo warramay in meydad aan la aqoonsan oo 3 qof ay yaaleen Hotelka, kuwaasoo aan laga qaadin, waxaana soo baxaya in qasaaraha weerarkii xalay uu intaas ka badan yahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON