Thursday, June 8, 2023

Boqolaal Arday Somali ah oo ka gudbay Xuduudka Sudan iyo xukuumadda oo Gudi magacawday

Boqolaal Arday Soomaali ah oo ka qaxay dagaallada Dalka Sudan ayaa maanta gaaray xuduudka Sudan iyo Itoobiya, iyagoo raadinaya sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen.

Sida uu sheegay weriyaha TV-ga Aljazeera ee ku sugan magaalada Metema ee Xuduudka Sudan iyo Ethiopia, waxaa maanta xuduudka ka gudbay 480 Arday oo Soomaali ah oo intooda badan ahaa ardayda Jaamacadda Afrika ee Sudan.

Ardayda Soomaalida ee ka gudbay Xuduudka Suudan ee gaaray Itoobiya waxay ka mid ahaayeen 1600 qof oo maanta ka gaaray xuduudka Itoobiya oo ay ka mid yihiin dad kasoo kala jeeda, Turkiye, Yeman, Masaari iyo qaar kale.

Ad

Dhinaca kale xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi u magacawday Guddi ka shaqayn doona soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan dalka Suudaan.

Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa sheegay inay wasaaraddu xiriiro kala duwan la samaysay diblamaasiyiinta dowladaha deriska la ah Suudaan si ay ugu fududeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si nabad ah ugu talaabaan, isla markaana ay xuduudaha Suudaan ka howl galiyeen xarumo dadka Soomaaliyeed loogu fududaynayo isu socodka.

Xubnaha Guddiga Xukuumadda ayaa kala ah:

- Advertisement -

1. Abshir Cumar Jaamac – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Guddomiye

2. Fardowsa Cismaan Cigaal – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawida Xubin

3. Axmed Macalin Fiqi – Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xubin

4. Faarax Sheekh Cabdiqaadir – Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xubin

- Advertisement -

5. Khadiijo Maxamed Diiriye – Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xubin

6. Dr. Cali Xaaji Aadan – Wasiirka Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada Xubin

7. Maxamed Barre Maxamuud – Wasiirka Dhallinyarada iyo cCyaaraha Xubin

8. Daauud Aweys Jaamac – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xubin

9. Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh bashiir – Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Xubin

10. Maxamed Cali Xagaa – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Ahna Ku Simaha Wasiirka Xubin

11. Xirsi Jaamac Gaani – Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xubin

12. Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf – Ergayga arrimaha xuquuqda soo-galootiga -Xiriiriye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!