Thursday, June 26, 2025

Boqolaal qof oo lagu soo qabqabtay Howlgal culus oo Ciidamada Xasilinta ku qaadeen Xaafad ku taalla Duleedka Muqdisho

Ciidamada xasilinta Muqdisho ayaa howlgal socday muddo 10 saacadoo ah ku qaaday degaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo bilowday xalay saqdii dhex kadib ayaa hakiyay dhammaan isu socodkii, ganacsigii iyo waxbarashadii degaanka, waxaana guri guri loo baaray degaankaasi, iyadoo lagu soo qabqabtay in ka badan boqol qof oo dhalinyaro u badan.

Ciidamada qaaday howgalka degaanka Weydow ayaa isugu jiray Boolis, Milateri iyo Nabdsugid, wuxuuna soo gaaray maanta barqadii. Dhaliyaro fara badan oo lagu qabqabtay  howgalkaas la isugu geeyay goobo lagu baarayo oo lagu kala saarayo.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in howgalkaas baaritaanka ee ciidamada xasilinta ay saameyn balaaran ku yeesheen isku socodka dadka iyo Ganacsiga degaanka Weydow, waxyna arrintan ka danbeysan qaraxyo is xigay oo degaankaasi lagula beegsaday ciidamada dowladda ee ku socdaala wadadda isku xirta Afgooye iyo Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON