Xafiiska Ra’iisal wasaaraha wuxuu inuu isu bedelay Cabdalla Shideeya ee lagu sameeyo been abuurka
Boqor Cusmaan Aw-maxamuud Buurmadow, Guddoomye Cabdi Xaashi C/llaahi iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Somaliland ayaa shaaciyey inay ka baxeen Doorashadii Golaha shacabka, kadib markii ay sheegeen inuu Ra’iisal wasaaraha la wareegay hannaanklii doorashada.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayey ku eedeeyeen inuu isu bedelay Cabdalla Shideeya lagu sameeyo been abuurka, isla markaana awoodihii oo dhan inuu kala wareegay Odayaashii dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Beeshooda.
Boqor Buurmadow ayaa shaaciyey inaysan waxba kala socon kuraaska xilligan lasoo dheejiyey, oo kaliya uu ogyahay guddoomiyaha Guddiga SEIT ee Somaliland , kaasoooo uu kaxeystay Ra’iisal wasaraha, sida uu yiri..
“Waxaan u caddeyneynaa cid waliba inaan doorashadii faraha kala baxnay inuu maamulanayo Ra’iisal wasaaraha.. Waxaa ku gedaaman afar reerkiisa ah ee Habargidir. Cid kasta waan uga ergoonay, sida beeshiiisa, waxna weyn ka qaban waayeen.. Doorashadii halkaas ayaanu ku joojiney waxa halkaasi kasoo baxana waa xaaraan, mana aqabaleyno, mana qaadaneyno..” ayuu yiri Boqor Buurmadow.
Wuxuu ugu baaqay Beesha caalamka iyo madaxda kale inay ghacanta qabtaan Ra’iisal wasaaraha oo ah sida uu yiri Nin aan khibrad maamul dowladeed lahayn.
Sidoo kale Cabdi Xaashi iyo Senator Cabdi Ismacil Samatar ayaa ku baaqay in la joojiyo doorashada kuraasta Somaliland, iyagoo Ra’iisal wasare Rooble ku tilmaamay inuu ka darran yahay Farmaajo.
