Sunday, July 13, 2025

C/casiis lafta-gareen oo Ciidamo diyaarad lagu qaaday ka dejiyay Degmada Baraawe iyo ujeedkooda

Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ciidamo Daraawiish ah iyo kuwa Boolis ah diyaarado ku geystay magaalada Baraawe, si ay u sugaaan amniga doorashada.

Ciidamadan oo isugu jira Milatariga K/Galbeed iyo Booliska ee maanta la geeyey magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa laga qaaday magaalda Baydhaba, waxaana la sheegay inay syugi doonaan amniga doorashada kurasta Golaha shacabka ee ka dhaceysa Baraawe.

Baraawe waxa ku sugan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Uganda, waxaana magaalada marmar ay la kulantaa weerarro uga yimaada Alshabaab, laakiin xaaladda doorashada ayaa keentay inuu madaxweynaha K/Galbeed ciidamo hor leh geeyo degmadaasi.

Taliyaha ciidanka booliska Koonfur Galbeed Gaashaanle Cabdi Ibraahim Shaamow, guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Shabeellada Hoose Axmed Mudane iyo guddoomiyaha degmada Baraawe Liibaan Abuukar ayaa ciidamadaas kusoo dhaweeyey magaalada Baraawe.

Doorashada 13 ka mid ah kuraasta golaha shacabka ayaa la filayaa inay ka dhacdo Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

May be an image of 8 people, people standing, aircraft and outdoors
May be an image of 4 people, people standing and outdoors
May be an image of 6 people, people standing and outdoors

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON