Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa galabta ka dhoofay magaalada Dhuusamareeb, isagoo dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta keentay inuu Lafta-gareen isaga tago Magaalada Dhuusamareeb oo ay u sugan yihiin madaxda Dowlad Goboleedyada kale, waxaana lagu waday inay soo saaraan War-murtiyeed ay uga hadlayaan xaaladda dalka iyo talo soo jeedin qaabka loo qabanayo Doorashada dalka.
C/casiiska Lafta-gareen oo si weyn ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa ka horjeeda in guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh wax kaalin ah ku yeesho Doorashada iyo xaaladda kala guurka ah.
Dhinaca kale wakiilada Beesha Caalamka ayaa shirar joogto ah la leh madaxda maamul Goboleedyada Galmudug, Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, waxayna sidoo kale xiriiro la yeesheen Madaxweynaha xilkiisu dhammaanayo ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Waxaa socda qorshe Doorasho oo Beesha caalamka ay dejineyso, kaasoo muddo aan ka badneyn 4 bilood la doonayo in dalka looga qabto Doorasho.
