Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa si buuxda u difaacay dowladda Doorshada iyo sida ay u wado Doorashada muranku ka taagan yahay ee Federaalka.
Lafta-gareen oo khudbad ka jeediyey Shirka Somalia Partnership Forum ayaa sheegay in Heshiiska doorsahada laga gaaray uu cad yahay, isla markaana aysan ku jirin arrinta Gobolka Gedo oo si gaara loo xusay in arrinta ka taagan dib u heshiisiin lagu dhammeeyo, ee aysan noqon mid sharcdi looga dhigo Doorashada.
Madaxweynaha K/Galbeed ayaa soo hadal qaaday arrinta guddiyada Doorashada Somaliland ayaa caddeeyay inuu shirka ak qeyb galay Ra’iisal waaare ku xigeenka, intii uu shirka socdayna aan lagu soo qaadin Cabdi Xaashi, haddana aysan habooneyn in caqabad laga dhigo, balse loo baahan yahay in hore loo socdo, heshiiskana loo fuliyo sidii uu u qornaa, iyadoo la xalinayo cabashooyinka jira.
“Anig uma arko in caqabad in laga dhigo arrinta Cabdi Xaashi, arrimaha Somaliland… heshiiska waana qoran yahay waana la hayaa hal maalin meel looga hadlay ma jirin Cabdi Xaashi baa looga dambeynayaa Guddiga Somaliland. Waxaa shirka fadhiyay oo qeyb ka ahaa raysal wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed oo Somaliland ka soo jeeda, Cabdi Xaashi ninkii wax la rabay marka meesha la joogay ayey ahayd in heshiiska lagu daro, haddana in la soo xusuusto oo caqabad laga dhigo uma arko” ayuu yiri C/casiis Lafta Gareen.

C/casiis Lafta-gareen ayaa noqday Madaxweynaha kaliya ee sida weyn u taageersan Villa Somalia iyo sida ay u wado Doorashada dalka, halka madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ay si dhxdhexaad ah u hadleen, soona jeediyeen in wixii khilaaf ah ee jira xal laga gaaro. Dhinaca kale madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa mowqifkoodu cad yahay oo ka horjeeda sida dowladda Federaalka u wado arrimaha dooorashada.