Thursday, April 18, 2024

Safiirka Mareykanka 4 Dalab u diray Madaxda Soomaalida (Akhriso Nuxurka khudbadii aan diblomaasiga ahayn)

Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Donald Yamamoto ayaa khudbad kulul ka jeediyey shirkii SPF ee maanta magaalada Muqdisho ka dhacay.

Safiirka oo ka afeeftay in khudbadiisu ay adag tahay ayaa sheegay in Alshabaab ay dooneyso xilligan weerarro ay ku qaado Gobolka Sh/hoose, saldhigga Ballidoogle ilaa Muqdisho ayna burburiso horumarkii sanadkii hore la gaaray oo dhan iyo guulihii ay gaareen ciidamada Soomaaliya AMISOM iyo saaxiibada kale.

Amb. Donald Yamomoto wuxuu madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyda ka dalbaday inay fuliyaan heshiisyadii May 2017 ee London iyo Shirii Baydhaba, Doorashaduna ku dhacdo sidii lagu hesiiyey Septembar 2020.

Ad

Afarta qodob ee ugu mihiimsanaa khudbadiisa ayaa kala ahaa:

1- Wuxuu toos ula hadlay Musharixiinta mucaaradka isagoo ka dalbaday inuusan jiri karin hanaan doorasho oo kale;

2- Wuxuu dowlada Federaalka u sheegay inaan la aqbaleynin dib u dhac ku yimaada Doorashada, lana fuliyo heshiiskii wadar-ogolka ahaa sidii loogu hesiiyey;

- Advertisement -

3- Inaan waxba laga bedeleynin Heshiiska Doorashada ee 17-ka September gaar een madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedka, loona fulinayo sidiisa.

4- iyo In ciddii xumaan wada (Bad Player) tallaabo laga qaadayo.

“Mareykanka iyo beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin hakadka galay howsha Doorshada. Doorashada waa in lagu qabto waqtigeeda, Heshiis lagu noqonayo ma jiro, heshiiskii Doorashada ee wadar-ogolka ahaa waa in loo fuliyo sida loogu heshiiyay..” ayuu yiri Donald Yamamoto.

Safiirka Mareykanka ayaa dalbaday madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay heshiis ka gaaraan khilaafaadka jira, wuxuuna caddeeyay in doorashada la xaqiijiyaa oo aysan shacabka Soomaaliyeed qaadi karin dib u dhac.

- Advertisement -

Wuxuu ka digay haddii lagu fashilmo arirntaasi inay dhammaan burburayaan wixii horumar ahaa ee la gaaray, isagoo sheegay in qofkii qas iyo dhibaato wada tallaabo laga qaadayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON