Madaxweynaah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa War uu kasoo saaray isbedelka xaaladda dalka, wuxuu soo saaray talo soo jeedin ka kooban 4 qodob oo ku saabsan Doorashada dalka.
Kadib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka iyo ismari waaga arrimaha doorashooyinka wuxuu Lafta-gareen ku talinayaa qodobadan soo socda;
1. In dib loogu noqdo wadaxaajoodka doorashooyinka si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo talo-soojeedintii kasoo baxday wadatashigii Guddigii Farsamada ay ku yeeshaan magaalada Baydhabo 16kii Febraayo 2021.2.
In laga fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada dalka, lagana fogaado siyaasadeynta iyo kala qeybinta Ciidamada Qalabka Sida.
3. In Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka Ah ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan xasilloonida iyo geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.
4. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu uga mahadcelinayaa Beesha Caalamka iyo saaxibada kale ee Soomaaliya taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.