Tuesday, September 21, 2021

Q/Midoobay iyo Mareykanka oo bogaadiyey Rooble, Qoorqoor & Guudlaawe. “Farmaajo waa inuu raacaa…”

Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka ayaa bogaadiyay go’aanka ay qaateen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta kuna diideen muddo kororsiga.

Farriin ka timid UN-ka ayaa lagu yiri: “Xafiiska UN-ka ee Soomaaliya wuxuu la socdaa bayaannada ay soo saareen Qoorqoor, Guudlawe iyo Maxamed Xuseen Rooble, waxayna caddeynayaan mowqifka Beesha Caalamka ee ah in wadar-ogol ay muhii u tahay hanaanka Doorashada.

Waxaa farriinta Q/Midoobay lagu sheegay in kaliya Heshiiska 17-ka September inuu yahay mid ka ay isla qaateen dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, kasina lagu shaqeynayo; waxaana dahmmaan kooxaha loogu baaqay inay diidaan gacan-ka-hadalka oo ay dib u bilaabaan wadahadalka.

Ad

Dhinac akale Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bogadisay tallaabada ay qaadeen madaxda kala ah Qoorqoor, Cali Guudlaawe iyo RW Rooble oo ka hor yimid muddo kordhinta, isla markaana taageeray heshiiskii doorashada ee 17 Septembar.

“Waxaan ku boorineynaa Maxamed Farmaajo inuu aqbalo wadadda cad ee wadahadalka iyo Nabadda” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Safaaradda Mareykanka.

Dhinaca kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa isna farriin uu ku qoray bartiisa twitter-ka waxa uu ku ammaanay dhiirranaanta ay muujiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Maamullada ee ku saabsna in doorasho wadar oggol ah ay waddanka ka dhacdo.

- Advertisement -

Berlanga ayaa sheegay in gacan ka hadal aysan meel uga bannaanayn Soomaaliya, jidka keliya ee furanna uu yahay wadahadal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,854FollowersFollow
159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,853FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!