Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo dhaweysay Warmurtiyeedyada ay soo saareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Puntland waxay ka xuntahay dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynaysaa cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka” ayaa algu yiri Warka Puntland.
Puntland waxay ku baaqeysaa dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wada hadaladii si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17 September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah.
Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Midowga Murashaxiinta, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada rayidka ah iyo dhammaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geysataan illaalinta xasiloonida Dalka iyo sidii looga miro dhalin lahaa qabsoomidda doorasho wadar oggol ah.
Waxay Puntalnd bogaadisay kaalinta Beesha Caalamka, waxayna ugu baaqeysaa wakiilada Beesha Caalamka inay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September si dhaqso Dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah.
