C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mida Musharixiinta xilka madaxweynaha oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu dalku ku jiro xaalad aan hore u soo marin oo ah inuusan heshiis siyaasadeed jirin, wax Doorasho ahna aanay socon dalkuna ku jiro xaalad qalalaase dastuuri ah.
Wuxuu taageeray mudaaharaadka Jimcaha oo uu sheegay in ujeedkiisu yahay in lagu muujiyo inuusan Maxamed C/llaahi Farmaajo uu sharci darro ku joogo , ayna dalbanayaan in doorasho degdeg loo qabto, loona hoggaansamo sharciga iyo dastuurka.
C/kariin Guuleed ayaa difaacay bannaanbaxa oo ah mid dastuuri ah, balse ay jiraan dad wax aan jirin sida qalalaase dhacaya kau faafinaya Baraha bushada. “Mudaaharaadka dowladda maxaa xalaal ka dhigay, kan mucaaradkana maxaa xaaran ka dhigay..?” ayuu is-weydiiyey Musharaxa, isagoo sheegay in bannaabaxa ku dhici doona si nabad ah oo xasiloon, wixii dhibaato dhacaya ay mas’uuliyadeeda qaadeyso dowladda.
Wuxuu soo dhoweeyay horumarka la sheegay in laga gaaray shirka Guddiga Farsamada ee magaalada Baydhaba, isagoo taxadar ka muujiyey in heshiiska la qaadan waayo ama la fulin waayo.
