Thursday, June 26, 2025

C/llaahi Fartaag oo tartan la’aan mar kale dib loogu doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka

Iyadoo ay magaalada Kismaayo maanta ka bilaabatay doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa la doortay labadii senator ee ugu horeeyay Aqalka Sare doorashada dadban ee 2021.

Kursigii labaad ee Aqalka sare ayaa loo doortay Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo helay 73 cod, iyadoo ka aamustay laba xildhibaan markii uu tanaasulay musharixii la tartamayay oo ee Axmed Maxamed Jaamac, taasoo keentay inaan lala tartamin.

C/llaahi Fartaag ayaa ka mid ahaa saaxiibada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana loo saadaalinayey inuu si fudud xilkan ugu soo bixi doono, kadib markii qofka la tartamay la sheegay inuu ahaa qof isaga u dhow.

Isla maanta waxa magaalada Kismaayo lagu doortay Ilyaas Gaboose ayaa helay 55 cod, waxaana kursiga kula tartamay Musharaxa la tartamayay Maxamed Axmed Sayid oo helay 17 cod.

Sidoo kale, Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa noqday musharraxa kusoo baxay kursiga saddexaad ee golaha Aqalka Sare ee maanta la qabtay doorashodooda.

Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa helay 59 cod, waxaana uu ka guuleystay Xaliimo Jaamac Maxamed, oo iyaduna heshay 12 cod. Waxaa xumaaday hal cod.

Kursiga afaraad ayaa waxaa ku guuleystay Iftiin Xasan Iimaan Baasto, oo loogu codeeyey hab gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Ibraahim Yacquub oo la tartamayey.

Afarta senator ee la doortay ayaa kala ah:

1- Ilyaas Bedel Gaboose
2- Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
3- Iftiin Xasan Baasto
4- C/risaaq Maxamed Cismaan

Doorashada Aqalka Sare ee magaalada Kismaayo maanta ka dhacay ayaa daahfur u ahayd Doorashada Federaalka Soomaaliya ee dib u dhacday tan iyo Oktoobar 2020.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON