Sunday, July 13, 2025

C/llaahi Kulane iyo C/raxmaan C/shakur oo Dhuusamareb u tegay raadinta Kuraas Baarlamaan

C/llaahi Aadan Kulane oo ka mida saraakiisha Sare ee Hay’adda NISA iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug iyagoo raadinaya kuraas Baarlamaan.

Labada Nin ayaa siyaasadda aad uga kala fogaa, waxaana u dhaxeysa cadaawad weyn oo dhinac waliba leh, balse waxaa kulmiyay inay Dhuusamareebn u wad tagaan kursaas ay kad oonayaan inay ku guuleysteen oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

C/llaahi Kulan oo ka yimid Caabudwaaq ayaa magaalada waxaa kusoo dhoweeyay ciidamo iyo gaadiid fara badan oo ay ku jiraan kuwa dagaalka, waxaana la dejiyey magaalada, isagoo u tartamay kursi beeshiisa ee HOP040.

Dhinaca kale C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa Garoonka magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Siyaasiyiin, odayaal waxgarad iyo dadweyne fara badan oouu hogaaamiynayay duqa caasimadda Galmudug, waxaana loo galbiyey gudaha magaalada, isagoo u tartamya kursiga beeshiisa ee HOP138.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoorqoor ayaa la eegayaa sida u uu maareyn doono kuraasta xasaasiga ah ee ay u tartamayaan siyaasiyiinta iyo saraakiisha iska horjeeda ee wada doonaya kuraasta Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON