Wednesday, August 6, 2025

C/rashiid Xiddig: “Mursal iyo Mahad Cawad waxay doonayaan inay Sac bakhtiyey Caano ka maalaan..”

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa sku eedeeyay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka inay wadaan sharci darro ay doonayaan inay muddo kororsi u sameeyaan Maxamed Farmaajo.

Xiddig ayaa sheegay in Barlamaanka waqtigiisu dhammaaday aanu gaari karin wax go’aano, isla markaana aysan jirin sharciyad uu guddoonka soo saari karo, wuxuuna sheegay inay Maxamed Mursal Sheekh iyo Mahad Cabdalla Cawad ay wadaan qorshe ah inay SAC bakhtiyey Caano ka maalaan, sida uu yiri.

Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo ka mida 15 xildhibaan oo laga joojiyey 5 fadhi oo ka mida kulamada Baarlamaanka ayaa ku gacan seyray arrintaasi, wuxuuna ku adkeystay inaysan jirin ka hor istaagi karta kulamada Baarlamaanka, isagoo dhinaca kale sheegay inay dalka ka hortaagan yihiin kelitalis iyo xalaaleyn madaxweyne waqtiigiisu dhammaaday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON