Sunday, July 13, 2025

C/raxmaan C/shakuur: “Inta badan xubnihii Dharcadka ahaa ee NISA weli si xoog leh Guddiyada ugu jiraan”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida Midowga Musharixiinta ayaa ka hor yimid qaabka ay Guddiga xukuumadda ay u xaliyeen khilaafkii ka jiray xubnaha ka mida Guddiyada Doorashsada ee Cabashada laga qabay.

Qoraal uu soo saaray ayuu C/raxmaan C/shakuur ku sheegay in Hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha guddiyada Doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed aanu ka duwaneyn habkii loo magacaabay markii hore.

“Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay. Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta..” ayuu yiri Musharax C/raxmaan C/shakuur

Wuxuu caddeeyay inaysan caddeyn hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha. “Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Wuxuu ka codsaday Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON