Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasi C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay ka qeybgalkii caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Puntland iyo sidii ay ku dhacday in laga reebo khudbad uu ka jeedin lahaa madasha.
Wareysi uu siiyey Warbaahinta Daljir ayuu ku sheegay in khudbadiisa arrinta ku saabsan ay taagneyd laab maalmood, ilaa markii dambe ay madaxtooyada soo faragelisay oo la isku xiray khudbadiisa iyo kasoo qeybgalka madaxda, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in madaxtooyada iyo madaxweyne Farmaajo uu shaqo ka dhigtay xisbiga Wadajir iyo hoggaankiisa.
Mar la weydiiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuu xiriir la leeyahay dowlado shisheeye, ayuu sheegay in arrintaasi ay tahay eedaymo lagu banneysanayo xadgudubkiisa iyo in lagu dhaawaca karaamadiisa.
HOOS KA DAAWO WAREYSIGA