Friday, July 18, 2025

C/raxmaan C/shakuur oo RW Rooble uga digay in loo shirqoolo sidii Kheyre, una jeediyey 6 tallaabo (Akhriso)

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dhaliilay khudbadii uu Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday xalay u jeediyay shacabka, isagoo sheegay inay dhaaftay fursad uu shacabka Soomaaliyeed ku macsalaameeyo.

Wuxuu ku eedeeyay inuu hadalkiisy ahaa mid u micno yari, aflagaaddo iyo ixtiraam la’aan isugu jiray, isla markaana uu shirqool horleh lasoo maleegaya Mursal iyo 54-tii xildhibaan ee muddo kordhinta xaaraanta ah kala shaqeysay, sida uu yiri.

“Waa kala goyskii isaga iyo Mursal ay Kheyre ku shirqooleen. Xilliga iyo xaalkuba waa kala beddelan yahay, laakiin waallida kalitalisnimo ee Farmaajo mid dhaqanta maaha. Waxaan uga digaynaa 54-ta xildhibaan ee Sabtiga la balamiyey inaysan fidno kale ka sii shaqaynin’ ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo talo muhiim ah u jeediyey Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta.

C/raxmaan C/shakuur wuxuu Rooble kula taliyey inuu Farmaajo kala hor maro, hogaankana qaato, isagoo tallaabooyinka soo socda qaadaya:

1- Rooble waa inuu casuumadda shirka fidiyaa,

2- Shirka waa inuu ku ballaariyaa saamileyda,

3- Waa inuu ciidanka kala qaybsanna isku soo celiyaa,

4- Waa inuu amniga dalka iyo doorashooyinka la wareegaa,

5- Waa inuu dawlad Goboleedyada garabka ku qabtaa,

6- Waa inuu kasbadaa taageerada beesha caalamka kasbadaa.

Wuxuu u soo jeediyey inuu Rooble qaato go’aan sax oo aan xilligiisa laga daahin, iyadoo aan la ogeyn sida uu tallooyinkan u fulin karo xilligan xasaasiga ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON