Musharax Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mida Midowga Musharrixiinta ayaa ku eedeeyay Madaxda dowlad Goboleedyada inay qeyb weyn ka yihiin boobka ay Doorashooyinka Golaha Shacabka ku bilowdeen.
Wuxuu ku dooday in dowlad Goboleedyada ay hortaagan yihiin sixitaanka Doorashada Boobka ah, isla markaana ay doonayaan in sidaas ku socoto leyskana daayo, ayna muuqato inay doonayaan inay boobaan Doorashada, qaarna ay Farmaajo u boobaan, qaar kalena ay iyaguba yihiin musharaxiin.
Mar uu ka hadlayey Doorashada uu shaaciyey inuu qabanayo Axmed Madoobe ayuu sheegay inay u muuqato inuu raali ka yahay, sida boobka ah ee Doorashadu ku socoto, haddii uusan qabaneyn doorasho ka duwan kuwii ka horeeyay.
Wuxuu dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada ayuu sheegay inay raali ka yihiin boobka doorashada, isla markaana Golaha Wadatashiga marka laga reebo Ra’iisal wasaaraha aysan ka heynin qof kale oo ka hadleysa in la saxo doorashada oo ay noqoto mid daah furan.
“Ninkii Midowga Musharixiinta ka mida ee go’aansada inuu raali ka yahay boobka Doorashada anagu gacanta ma qaban karto, laakiin weli waa wax suuqa la wareejinayo ee annagu ma aragno..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo wareysi siiyey Universal TV.
Mar uu ka hadlay wadahadal ay la gelayaan Farmaajo si ay u qaataan xil ra’iisal wasaare iyo heshiis cusub ayuu si cad u sheegay inuu Farmaajo ku joogo sharcidarro oo aanay jirin wax lagula hadlo, isagoo dadka Muqdisho ay ku sabreen in isagoo sharci darro ah ku jooga xilka.
“Istaaqfurrulaah. taas xistaabta inay ku jirto uma maleynin.. Farmaajo sharci maba heystee. Hal sano ayuu xilka iska joogaa wax sharci la’aan.. Dulqaadkeena iyo dulqaadka dadka caasimadda jooga waxaa ka mida madaxweyne xilligiisii dhammaaday oon sharciyad heysanin uu canshuur qaadanayo, Ciidankii xukumayo.. Inuu iska fadhiyo waa ayaandarro ah.. qof aan sharci heysan yuu sharci siinayaa..? waa dulmi iyo dembi ah inuu safiiro ka qabanayo waraaqo..” ayuu yiri musharaxa.
