Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka inay doonayana muddo kororsi ay taageero uga heystaan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
“Guddoonka Golaha Shacabka (guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa 1-aad) oo ay muddo xileedkooda 3 bil ka harsantahay ayaa doonayo in uu muddo kororsi sameysto. Waxeyna oggolaasho ka heystaan Madaxweynaha oo raba in uu heshiiskii Dhuusamarreeb ka baxo..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo qoraal soo diray.
Wuxuu sheegay in arrintan laga filayey madaxweynaha iyo guddoonka Golaha-ba, ayna doonayeen inay ansixiyaan qorshihii muddo kordhinta ee uu Guddiga Doorashada soo jeediyey, kaddibna xukuumadda eedda la saaro oo mooshin gacan taag ahna lagu rido.
“Ujeedka ugu wayn ee Guddoonka Golaha Shacabka waa in la burburiyo natiijadii ka soo baxday shirkii Dhuusamarreeb oo ay Soomaalidu iyo beesha caalamka taageereen, gaar ahaan Dowladda Mareykanka iyo Midowga Afrika. Waxey kaloo doonayaan in ay carqaladeeyaan shirka lagu balansanyahay 15-ka Agoosto oo isla Dhuusamarreeb ka dhici doona…” ayaa ka mid ahaa qoraalka Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur.

Wuxuu tallaabadan ku tilmaamay inay tahay billowgii dhammaadka Golaha Shacabka, isagoo ku doiday intii rajada ka lahaydna ay maanta ayey ka quusan doonaan, ayna si buuxda u taageeri doonaan shirka Dhuusamarreeb. “Waxaan ka cabsi qabaa in xildhibaanno badan oo fursad doorasho soo heli kara ay ku lug go’aan marinka qaldan ee Mursal iyo Muuddeey. Wixii xasilooni dari iyo qalaalse ah ee uu dalku galo masuuliyadeeda Madaxweynaha, Mursal iyo Muudeey ayaa dusha u ridanaya..” ayuu qoraalkiisa kusoo gababeeyay.