Thursday, June 26, 2025

C/raxman C/shakur: “Farmaajo wuxuu inkiray Aqalkii Sare, wuxuuna fashiliyey shirka Dhuusamareeb”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Madaxweynaha Soomalaiya ku dhaliilay khudbadii uu ka jeediyey maanta Golaha Shacabka, isagoo sheegay inuu inkiray Aqalka Sare, isla markaana, shirka Dhuusmaareeb-na uu fashiliyey intii aanu bilaaban.

“Farmaajo wuxuu inkiray jiritaanka Aqalkii sare, kaalintii ay wakiilka kaga ahaayeen Dowlad Goboleedyadana wuxuu siiyey Golaha Shacabka. Wuxuu sidoo kale ku xadgudbay awood qaybsigii siyaasadeed, kaddib markii uu diiday in uu magacaabo Raysalwasare soo dhisa xukuumad xilliga kala guurka hoggaamisa. Hadalkiisana waa aniga ayaa labadiiba isku ah..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in sid kasta oo garasho leh ay fahamsan tahay in Dhuusamarreeb ugu socdo gar-naclaysi, wuxuuna yiri: ” Madaxweyne Farmaajo nin dhowraya heshiis lala galay maaha, sababtoo markii ay Dhuusamarreeb 2 soo dhammaatay wuxuu riday Ra’sal wasaarihiisii, nin Dastuur iyo sharci tixgeliyana maaha, sababtoo wuxuu oggolaaday sharci darridii lagu riday xukuumadda, issagoo magacaabayna Ra’iisal wsaare xil sii hayn ah oo aan Dastuurka meelna kaga ool.

“Farmaajo shirka Dhuusmareeb inta uusan bilaaban ayuu fashiliyey, sida keli ah ee heshiis lagu gaari karaana waa in la helo Xukuumad la aamino iyo dammaanad qaad caalami ah oo la isku haleyn karo..’ ayaa ka mid ahaa qoraalka C/raxmaan C/shakuur.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON