Monday, June 23, 2025

C/raxman C/shakur oo Warbixin Xasaasi ah ka qoray Muuqaalladii Alshabab baahiyeen ee Qaraxyada Hoteeladii Muqdisho [Akhriso]

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsme ayaa qormo dheer ka diyaariyey Muuqaallo Video ah oo Alshabaab dhowaan baahiyeen oo ku saabsanaa Qaraxyada Hoteellada Muqdisho ee ay ku fuliyeen muddo 3 sano ah.

Muuqaalladaasi oo ay Alshabaab u diyaariyeen si xirfad leh ayaa lagu soo bandhigay dadkii fuliyey qaraxyadii Hoteellada Muqdisho, qiil ay u sameeyeen oo Diini ah iyo dadkii ay ku laayeen, waxaana C/eraxmaan C/shakuur uu si cilmiyeysan u naqdiyey dooda Alshabaab ee leynta dadka shacabka ah.

Ad

HOOS KA AKHRISRO QORMADA

Waxaan daawaday laba muuqaal oo ugu yaaran kiiba saacad soconayo oo ay kooxda Al-shabaab ka diyaariyeen weerarro ay ku qaadeen 10 Hoteel oo kuwa ugu waaweyn ee Muqdisho ku yaalla ah, sida; Jazeera, Saxafi, Naasa-Hablood one iyo two, Dayax, SYL, Ambassador, Doorbin, Central iyo Peace one. Waxaa kaloo ku jiray Hoteel Cascaseey oo ku yaalla magaalada Kismaayo.

Waxey soo bandhigeen qaabkii ay qaraxyada u dhaceen, wiilashii fuliyey iyo beelaha ay ka soo jeedaan, dardaarankii ay dhaafeen iyo sababaha ku kallifay in ay Hoteellada weerar ku qaadaan.
Sababta ayey ku sheegeen in ay degganyihiin dad ka tirsan xukuumadda riddada (Diinta ka baxday), diblomaasiyiin shisheeye iyo sirdoon ajnabi ah, iyagoo ku andacooday in laga soo maleego shirqoollada lagu maja xaabinayo diinta Islaamka laguna wiiqayo dadka Muslimiinta ah.

Wiilasha is qarxinaya qaarkood waxay sheegeen in ay u aargudayaan dhibka lagu hayo Muslimiin dalal kale sida Falastiin. Waxey kaloo isku deyayaan in ay u qiil dayaan dadka rayidka ee ku dhimanaya weerarrada hoteellada lagu qaaday iyo agagaarkooda. Waxeyna ku faanayaan in iyagoo xeerinaya dhiiga Muslimiinta in ay ka baaqdsadeen weerarro badan oo ay goobo kale ku qaadi laahaayeen.

- Advertisement -

Waxay tiriyeen magacyada masuuliyiintii ay ku dileen weerarradaas. Waxaa ku jiray saaxibbo dhow oo markii aan magacooda maqlay illintu i soo dhaaftay. Labada muuqaal ee si tiknoolajiyad xirfad sare leh ka muuqato loo soo diyaariyey waxay Al-shabaab ka lahaayeen labo ujeeddo oo kala ah;

1- In la sababeeyo weerarradii hoteellada, loona qiil dayo dadka lagu laayey iyo guud ahaan dadka shacabka ah ee weerarrada iyo qaraxyada ay Al-shabaab gaystaan lagu dilo. Waxey ku doodayaan maadaama ay Dowladda Soomaaliya tahay riddo (diinta ka baxday ) dadka u shaqeeyana uu dhiiggooda bannaanyahay. Waxay ku andacoonayaan sababta ay noo leynayaan , iyagana naftooda u halligayaan in ay tahay badbaado adduun iyo mid aakhiro. Kaligood ayaa doodaya, iyaga uun baana gar naqsaday, garta iyo libintana isa siiyey.

Waxaa taas ka sii daran cullimada ugu badan ee ay daliishanayaan waa kuwo ka tirsan Al-shbaab oo Soomaali ah oo aan ka gartay Axmad Godane iyo Mahad Karatee, iyo kuwo Al-qaacidda ka tirsan oo ajnabi ah oo ay ka mid yihiin Usaama Bin Ladin, Abu Yaxya Al-liibi iyo Ayam Al- Dawaahiri.

Waxey u qiil deyayaan shacabka ay maalin walba weerarrada iyo qaraxyada ay soo qaadaan ku baaba’a, iyagoo sheegay in aysan wax danbi ah laheyn, laakiin loo dilayo in dantooda laga shaqeynayo oo waxey leeyihiin ‘Qaraxyada iyo weerarrada loo wado dowladda aan looga fursan karin in dad rayid ah ku dhintaan, waa la dilayaa, ma aha in ay danbi galeen, laakiin danbiilayaal ayey ku dhex nool yihiin’.

- Advertisement -

2- Ujeedka labaad waa cabsi gelin. Waxey soo bandhigayaan awoodda Als-habaab ay u leeyihiin in meel kasta qarxin karaan, awoodda sirdoonkooda, xirfadda iyo isku xirka hawl fulintooda. Sida ay ugu celcelinayaan soo gudbinta daryanka iyo uurada qaraxa iyo qiica baaruudda oo isku maran, waxey dirayaan farriin ah in aysan jirin cid ay u turayaan, tahayna in lagu cibra qaato waxey dhigayaan.

Su’aalaha is waydiinta mudan ayaa ah maxaa xilligan ku kallifay in falalkooda argagixiso u qiil dayaan? Maxay ugu baahdeen kasbashada shacabka? Ma dhexdooda ayaa dood ka taagan tahay? Ma waxey dareemeen in ay taageero badan luminayaan? Ma rag xukun u soo jeestay baa oo kasbashada shacabka raadinayaa? labada muqaal waxaa kaloo lagala bixi karaa wiilasha is qarxinaya waxey hal qabiil ugu bateen, raadkooda hadii la raaco waxaa la heli karaa sababta ku bixisay falalka argagexiso iyo waxyaabo kale oo badan ayaa laga la bixi karaa.

Waxaase cajiib ah in xujooyinka iyo daliilaha diineed ee ay soo bandhigeen ay duminayso aayada 25-aad ee suuratul Fatxi. Nabigeenna (NNKH) markii isaga iyo asxaabtiisa ay Qurayshtii mushrikiinta ah ka hor istaageen in ay Maka galaan oo ay cumraystaan, waa tii dood dheer ka dib heshiiskii Xudaybiya (الحديبية صلح) ee qaraarka badnaa la galay. Waa tii Nabigu qaatay oo qalinka ku duugay.

1- in ay dib u laabtaan oo aysan sanadkaa cumraysan Karin.
2- Ruuxii Mushrikiinta ka soo baxa ee Muslimiinta u soo gala in dib u soo celiyaan, laakiin ruuxii Muslimiinta ka soo baxa ee dhinaca Mushrikiinta soo aada aan la celin.
3- In muddo 10 sano dirirta la joojiyo.
4- In is xulufaysi ay labada dhinac geli karaan.

Waxaase heshiiska u qaraaraa in markii la doonay in la saxiixo oo la qoray Bismillaahi Raxmaani ayuu yiri Suhayl Bin Camar oo dhinaca Mushrikiinta heshiiska u metalayey uu yir bal jooji, anigu Raxmaan-ka aad sheegeyso ma aqaan ee Bismika-Laahu qor, markii uu Cali Bin Abuu Daalib oo heshiiska qoray uu damcay in uu daba dhigo waxaa heshiiska kala saxiixday Muxamada oo Rasuulkii Eebbe ah, Suhayl wuxuu mar kale yiri u kaadi , Rasuul ilaaheey tir, haddii aan Rasuul u aqoonsanahay lama dirireene.

Nabiga (NNKH) wuxuu yiri “tir waxay rabaan ku qor” Waxaa kaloo xanuun badnayd markii uu wiilkii Suhayl oo Abuu Jandal la oran jiray oo garba duub u xiran, jir dil na ka muuqdo goobtii heshiiska lagu gelayey isku soo dhex tuuray. Suhayl wuxuu ku dooday in dhaqan galka heshiiska uu ka bilawdo in Abu Jandal dib loo celiyo. Nabigga (NNKH) wuxuu amray in la celiyo. Cumar Bin Khadhaab ayaa laga shaagey intii aan Islaamka ku jiray, maalintaas ayaan ka shakiyey, siday wax u dhacayaan markii aan arkay.

Waxaan uga gol leeyahay arartaas waa in Ilaaheey uu Nabigiisa ugu sheegay aayada 25 aad ee Suuratul Fatxi in sababta ugu wayn ee sidaas loo yeelay oo Nabiga iyo Asxaabtiisa dulleysiga iyo bahdalaadda loogu qasbay ay tahay in laga badbaadiyo rag iyo hablo muslimiin ah oo Maka ku noolaa, kana soo bixi waayey oo Hijradii Nabiga ka haray, haddii dagaal dhaco Nabiga iyo asxaabtiisa iyagoo ogeyn ay lugta mariyaan, halkaas fadeexo iyo danbi ka raaco.

Ninbaa maanta ku leh, isagoo daliishanaya hadal qolo injineerro iyo dhakaatiir ah, dadka ayaan leynayaa si aan iyaga qudhooda u badbaadiyo, Ilaaheeyna wuxuu leeyahay intii ay dad aan waxba galabsan dili lahaydeen, Jihaadka iyo dagaalka iska daaya, xitaa haddii aad u arkaysaan dullinimo iyo bahdalaad cadawgu idinkula kacayo.

‎هُمُ الَّذِينَ كَفَرُوا وَصَدُّوكُمْ عَنِ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ وَالْهَدْيَ مَعْكُوفًا أَن يَبْلُغَ مَحِلَّهُ وَلَوْلَا رِجَالٌ مُّؤْمِنُونَ وَنِسَاءٌ مُّؤْمِنَاتٌ لَّمْ تَعْلَمُوهُمْ أَن تَطَئُوهُمْ فَتُصِيبَكُم مِّنْهُم مَّعَرَّةٌ بِغَيْرِ عِلْمٍ لِّيُدْخِلَ اللهُ فِي رَحْمَتِهِ مَن يَشَاءُ لَوْ تَزَيَّلُوا لَعَذَّبْنَا الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْهُمْ عَذَابًا أَلِيمًا

Waxey kaloo aysan Al-shabaab ogayn uur ku taallada iyo murugada xusuusta leh ee ay ku reebayaan ilmaha ay ku faanayaan in ay waalidiintood laayeen.

W/Q: C/raxmaan C/shakuur Warsame

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON