Hoggaamiyaha Xisbiya Wadajir ee mucaaradka C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa si kulul uga jawaabay Warkii kasoo yeeray Madaxtooyada Soomaaliya ee ay kusoo dhoweysay Go’aankii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya maanta soo saaray.
Siyaasiga ayaa isweydiiyay cidda uu Madaxweynuhu siri karo, mar haddii si fudud loo fahmi karo farriinta is-burrineysa ee baaqa ka daba tuurka ah ee Madaxtooyada, wuxuuna su’aalo kaa keenay sida Madaxweynaha isu waafajin karo arrimahan: Muddo kororsi ma oggoli, laakiin 5 bil gudahood ayaan doorasho qof iyo cod ah qabanayaa?. Isqancin iyo wadatashi ayaan rabaa iyo la hadli maayo Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadda. Doorasho dastuurka waafaqsan ayaa doonayaa iyo waa in la meelmariyo sharciga doorashooyinka oo 4.5 dhigaya?.
“Qoraalka Villa Somalia ka soo baxay waa mid caato ah, boor isku qaris ah, waa ciyi waa ka baryey, waana laba canleyn ludda jecli lafta jecli ah, laguna carqaladeynayo go’aankii Golaha Wasiirrada..” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan Shakuur oo arrintan ku tilmaamay muddo kororsi labbis cusub loo soo xiray iyo Riwaayad soo saaraheedu farsamo xun yahay, sida uu yiri.

C/raxmaan C/shakuur wuxuu sheegay in Soomaalidu ka sugeyso madaxda Dowlad Goboleedyada ee ku shirsan Dhuusamareeb in ay mowqifkooda caddeeyaan, taageeraanna cidda muddo kororsiga diiddan.