Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan xaaladda uu dalku ku jiro ee kala guurka ah, isagoo eedeyn culus u jeediyey Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nabadsugidda.
Xukuumadda xilka sii heya iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayuu sheegay inay wadaan sharci darro oo lagu boobayo Hantida, xilalka dalka, iyadoo la wado Jeenan boob sida uu yiri, madaxweynuhuna uu dalacsiiyay in ka badan 200 oo sarkaal.
“Madaxweynaa wuxuu o’aansaday inuusan xukuuma dhisin si uu boobkaas u sii socdo.. wuxuna Farmaajo doonayaa inuu fashiliyo shirkii Dhuusamareeb..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo caddeeyay in ridistii xukuumadii hore lagu fashiliyay shirkii Dhuusamareeb 2.
Wuxuu si kulul u weerarray Taliska Nabadsugidda, wuxuuna ku eedeeyay inuu ku milmay Alshabaab. “Taliska Nabadsugidda wuxuu nqoday mid fasahaadsan oo iyaga iyo alshabaab aan la kala garaneyn… Xalay Shabaab ayaa hub loo geliyay Xabsiga Dhexe ee dowladda si loo fakiyo dad Shabaab ah oo meesha ku jira. ujeedo kale ma ahayn,.. waa qorshe Taliska Nabadsugidda ka socda..”
C/raxmaan C/shakuur wuxuu dalbaday inuu Madaxweyne Farmaajo soo magacabo Ra’iisal wsaaare fuliya heshiiskii Dhuusamareeb oo wax ka qabta hoggaanka NISA iyo dhibaatada dadka heysatas sida dib u furista waddooyinka.