Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku baaqay in la taageero Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, la iskana celiyo Farmaajo, sida uu yiri.
“Farmaajo dawladnimo uma turin, dastuurna ma dhowrin, guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan dadka degaankana waxba uma hanbayn, xad-gudubyadiisu way is daba yaalleen, laga soo billaabo weerarkii 17 Dec, ee xarunta Xisbiga Wadajir, shirqoolkii lagu dilay AUN Eng Yarisow, weerarkii uu 19 February ku qaaday Madaxweynayaashii hore, rasaastii isla maalinkaa la dhacay madaxdii iyo shacabkii mudaaharaadayey, khaarijintii Ikraan Tahliil, iyo maanta uu Raysalwasaarihii madaxiisa haysto” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur.
Wuxuu Farmaajo ku sifeeyay nin aan lahayn garash, isla markaana aan gar qaadan. “Nin sharci, dastuur iyo akhlaaq leh maaha, nacas iyo nin liita [daba dhilif] keli ah ayuu rabaa. Waa in aan iska qabanaa, Shacab, siyaasi, oday, aqoon yahan, haween, dhallinyaro iyo ciidan waa in marka hore dhaba dhilifka iyo calooshiis u shaqaystaha ka soo horreeya iska qabannaa, ka dibna iska bixinnaa. Dhamaanteen Xafiiska Rooble ayaa noo balan ah”.
