Tuesday, June 24, 2025

C/raxman Caynte: “Natiijada ka dhalata isku koolleynta Kursiga waxaa dhabarka u ridan doona Farmaajo”

Wasiirkii hore ee Qorsheynta C/raxmaan Yuusuf Yuusuf Cali (Ceynte) ayaa ka deyriyay xaaladda siyaasadeed ee dalka uu galay, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Maanta, dalkeennu wuxuu galay marxalad uusan waligiis hore usoo arag. Wali ma dhicin in muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne la doortay ay dhammaato iyadoo aan heshiis siyaasadeed lagu aheyn hannaanka looga gudbayo marxaladda kala guurka. Waa cambaar kale oo abid ku summadeysnaan doonta taariikhda dalkeenna. Waxayna dhaawac ku tahay silsiladdii dimoqraadiga aheyd ee dib loo soo yagleelay 20 sano kahor.” ayuu yiri C/raxmaan Ceynte oo sidoo kale ka mida mas’uuliyiinta Hay’adda Heritage.

“Masuuliyaddeeda koobaadna waxay ku dhaceysaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo. Sidoo kale, natiijada aan la oddorosi karin ee ka dhalata isku koolleynta madaxtinimada dalka waxaa dhabarka u ridan doona mudane Farmaaajo. Taxanaha nabadeynta iyo dowlad dhiska dalkeennu wuxuu si habsami leh usoo socday 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaanna ku kalsoonahay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba ka weecan doonin tubtaas toosan.” ayuu farriintiisa ku sheegay C/raxmaan Ceynte oo saameynta ka dhalatay xaaladan adag uu qaadi doono Madaxweynaha xilka isku dhejinaya ee Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON