Monday, July 14, 2025

C/raxman Yariisow: “Amni darro weyn kama dhicin magaalada Muqdisho muddooyinkan, haddana…!”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in maalmihii ugu danbeeyay aysan magaalada Muqdisho ka dhicin xaalado amni darro

“Waan dareemi karnaa Muqdisho in muddo ah wax amni darro ah oo weyn kama dhicin, haddana ma aragno dad amaanaysa oo dhahaya amni ayaan heysanaa oo baraha bulshada ku faafinaya…” ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in loo baahan yahay kalsooni lagu abuuro shacabka, wuxuuna warkiisu soo baxay iyadoo toddobaadkii ugu danbeeyay dad badan lagu laayey magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu ka mid ahaa xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre.

Maamulka G/Banadir ayaan wax awood ah u lahayn wax ka qabashada amniga caasimadda, wuxuuna amnigu gacanta ugu jiraa Taliska Booliska oo hoos taga Wasaaradda Amniga.

HOOS KA DHAGEYSO

Guddoomiye Yariisow: “Amni darro weyn kama dhicin Magaalada Muqdisho.”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON