Thursday, April 18, 2024

C/risaaq Maxamed: Nin Daacishta Somaliya u qaabilsanaa kala gudbinta Lacagaha oo Xukun lagu riday

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun 15 sano oo xarig ah ku riday Nin la sheegay in uu ka tirsanaa Kooxda Daacish-ta Soomaaliya una qaabilsanaa kala gudbinta iyo Xawilaadda Lacagaha.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale  ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab  iyo Daacish oo uu ka tirsanaa tan iyo sanadkii 2008, isla markaana Tababarkiisii ugu horreeyay  uu ku qaatay Jilib, isaga oo qayb ka ahaa Jabhado weerar ku qaaday xamar billowgii dowladdii KMG ahayd, kuna dhaawacmay dagaalladii xamar ka socday xilligaas

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale   sanadkii 2016 uu u goostay in uu ku biiro kooxda Daacish, waxa uuna xiriirka kooxda ka helay Bilaal Suudaani oo ay mar kawada tirsanaayeen Al-Shabaab, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada.

Ad

Cabdrisaaq Maxamed Cabdi ayey Daacish u wakiilatay Kala gudbinta lacagta,  waxa uuna ku lahaa diristiisa lacagta qoondo gaar ah oo uu si gaar ah uga heli jiray fududaynta howshaas.

Ciidamada Hay’adda Nabadsgida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale bishii Sedaxaad Ee Sanadkan ku qabatay Eedeysanaha 19-kun oo dollarka Maraykanka ah.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale  ayaa intii uusan ku biirin Daacish 2016, waxa uu ahaa Alshabaab ilaa 2008, sidoo kale waxa dhaawac ka soo gaaray dagaalladii u dhexeeyay Al-Shabaab  iyo Dowladdii KMG ahayd ee uu hogaanka u hayay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

- Advertisement -

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Codsaday In loo Naxariisto Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale  maadaama aan lagu haynin Dambi ka baxsan lacag Diris.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ku xukuntay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah, waxaana maxkamaddu sidoo kale sheegtay in sanadihii 2019-2020 uu u isticmaalay lacag ka badan $400,0000, isla markaana lacagtaasi ay u gacan gashay Qaarkeed muwaadiniin u dhashay Uganda & Itoobiya oo ku sugan wadanka Koonfur Afrika.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON