Tuesday, June 24, 2025

C/weli Gaas oo joojiyey Kulan uu Wasiirka Qorsheynta ku qaban lahaa Jaamacad ku taalla Garowe

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) uu joojiyey kulan la qorsheeyay inuu ka dhaco oo magaalada Garowe oo uu ka hadli lahaa Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa amar ku bixiyey in la joojiyo kulanka  ka dhici lahaa Jaamacadda PSU oo ay arday iyo marti sharaf kale kula hadli lahaayeen Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada iyo mid ka mida la-taliyeyaasha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Waxaa la sheegay in madaxda shirka Jaamacadda Puntland State University ka hadli lahayd ay kala ahaayeen: -Wasiirka Qorsheynta Xildhibaan Jamaal oo khudbadiisu ku saabsaneyd Deeqaha Caalamiga ah ee Soomaaliya hesho iyo sida loo maamulo.

Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey): Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaran, oo iyaduna khudbadeedu ku saabsaneyd Doorashooyinka Soomaaliya 2020, halka Cabdiqani Cabdi Jaamac oo la-taliyaha Ra’isal wasaare Kheyre iska la qorsheeyay inuu ka hadlo waxbqadkada Xukuumadda Soomaaliya.

Amarka madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu yahay fulinta go’aankii maamul goboleedyada ku hakiyeen xiriirka ay la lahaayeen dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON