Madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa shir ku yeelanaya magaalada Kismaayo, iyadoo uu shirkaasi isugu yeeray guddoomiyaha golahaasi oo ah madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas).
Qoraal kasoo baxay shalay Madaxweynaha Puntland oo guddoomiya golahaasi ayaa la isugu yeeray madaxda Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada shir ay 3-ka bisha Septembar ka dhici doona magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed inay ka soo qeyb galaan shirka ka dhacaya Kismaayo oo ku soo beegmaya xilli xilli xiisad weyn ay ka dhaxeyso maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA CASUUMAADDA