Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ku xad Gudbay Dastuurka dalka, isagoo weliba sheeganaya inuu sharciga ilaalinayo.
Cabdi Xaashi oo ka hadlayey xarunta Aqalka Sare ayaasheegay in khudbadii uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyey Golaha shacabka ay gef ku ahayd Dastuurka, isagoo tuuray Sharciga markii uu Awoodii Aqalka Sare siiyey Golaha shacabka.
“Waxaan dhageystay hadal jeedintii madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee golaha shacabka. Hadal jeedinta madaxweynaha wuxuu ku sheegay inuu waajibaad ka saaran yahay ilaalinta dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaal, hase yeeshee isla qudbadiisa dhexdeeda wuxuu si layaab leh ugu xad-gudbay dastuurka dalka. Madaxweynaha miyuusan ogeyn in uu madax ka yahay dal qaatay nidaamka Federaalka oo leh laba Aqal oo Baarlamaan, waxaana ugu baaqayaa in uu akhriyo dastuurka dalka si uu u ogaado qodobada ku xusan awoodaha Baarlamaanka labada Aqal sida qobadda 55, 61 iyo 89” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

“Sharciga cid ka sareysa ma jiro, qofki gefana wuu qabanayaa… Inta aan noolahay sharciga ayaan ilaalinayaa midnimo Soomaaliyed baan rabaa, nabad iyo dowlad cadaalad sameyso ayaan rabaa si kale cidna uga ogolaan maayo…” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare.