Tuesday, July 1, 2025

Cabdi Xaashi oo Amray in la joojiyo Doorashada 16 Kursi oo la shaaciyey (Akhriso Qoraal culus)

Guddoomiyihii Aqalka Sare ee Baarlamaanka 10-aad Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa qoraal uu soo saaray ku dalbaday ina la joojiyo in la joojiyo gebi ahaanba faafinta kuraasta 16-ka ah.

Wuxuu arrintan sababa uga dhigay in howshaasi loo hakiyo inta go’aan laga gaarayo oo la xaqiijinayo cuqaasha, qoondada haweenka iyo hufnaanta doorashada.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTO UU SOO SAARAY

Ku: Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi (Somaliland) (SEIT)
Og: Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federal (FEIT)
Og: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Ujeedo: Hakin Kuraasta 16-ka ee ay Shaaciyeen Guddiga Doorashada ee SEIT

Iyadoo la hubinayo habsami u socdka doorashada iyo sugnaanta doorasho ku dhacda si xor iyo xalaal ah oo daah furan, waafaqsana habraacayada doorashada ee lagu heshiiyey ee 17ka Sep 2020, 27ka May 2021 iyo 22 Aug 2021:

Waxa lagu war-gelinayaa Guddiga Hir-gelinta Doorashooyinka Dadban ee Goboladda Woqooyi (SEIT) iyo Guddiga Hir-gelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal (FEIT) in la joojiyo gebi ahaanba faafinta kuraasta 16 ka ah inta go’aan laga gaadhayo oo la xaqiijinayo cuqaasha, qoondada haweenka iyo hufnaanta doorashada.

Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON