Guddiga Miisaaniyada iyo Maaliyada Qorsheynta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa soo bandhigay maamul xumo maaliyadeed oo baahsan, taasoo ka jirta maamulka G/Banaadir.
Qoraal ay dhowaan Guddiga ka diyaariyeen Miisaaniyadda iyo sida loo maamulay lacagihii lagu qoondeeyay miisaaniyadda sanadkan 2018 ayay ku caddeeyeen in Gobolka Banadir uu muddo lix bilood ah (Janaayo ilaa June 2018) oo kharash gareeyay lacag ka badan 16,556, 504 oo doolar, laakiin aan caddeyn loo heyn qaabka loo adeegsaday.
Wuxuu Guddigu sheegay in Gobolka Banaadir aanu lahayn miisaaniyad lagu koontaroolo, waxaana lacag ka qaata dad fara badan oo la-taliyeyaal ku magacaaban iyadoo aanay caddeyn wax ay qabtaan, isla markaana qandaraasyada uu bixiyo aan loo tartamin oo musuq lagu bixiyo.
HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA GUDDIGA (Qodobka 9-aad)