Kulankii ugu horeeyay ee Golaha Wasiirada xilka sii haya ee maamulka Jubbaland ayaa maanta looga hadlay qabanqaabada caleemo-saarka madaxweynaha markii saddexaad dib loo doortay ee maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam.
Kulan Golaha Wasiirada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa guddoominayey Mdaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo shirka kadib la shaaciyey in Guddi qabanqaabo loo sameeyay Xaflada Caleemo-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo guddoomiye u yahay madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere).
Xilliga la qabanayo munaasabadda Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay inay noqon doonto 26-ka bisha soo socoto ee September 2019, waxaana muddo bil ah dib loo dhigay xafladaasi, iyadoo aan la ogeyn sababta waqtigaas dheer loo siiyey.
Dhinaca kale waxaa socda dadaallo lagu doonayo in dowladda Federaalka ay aqoonsato dib u doorashada Axmed Madoobe, kaasoo ay wadaan qaar ka mida dalalka beesha caalamka oo doonaya in dib u heshiisiin loo sameeyo dhinacyada ka horjeeda Axmed Madoobe.