Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay Cali Gacal Casir ayaa sheegay in madaxda maamulka Puntland ay ka reebeen shirka guddoonada Baarlamaanka Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo maalintii labaad ka socda magaalada Garowe.
Cali Gacal Casir ayaa ku eedeeyay Madaxda maamulka Puntland inay isagu ka reebeen inuu ka qeybgalo shirka Garowe, balse Guddoonka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u soo diray casuumaada shirkaasi, taasoo uu ku tilamaamay sharci darro iyo faragelin.
“Madaxda Puntalnd ayaa aniga iga reebay shirka Garowe, waxay arrintan tahay khilaaf cusub oo hay’adaha sharci dejinta laga dhex abuuray, waxaan kaloo caddeynayaa inaan aqoonsaneyn wax kasta oo shirkaas kasoo baxa, maadaama aan ka qeybgalin shirka, guddoonkii baarlamaanada oo kala maqan in go’aan la gaaro wax shaqeynayo maaha” ayuu yiri Cali Gacal Casir.
Wuxuu ugu baaqay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya inay tallaabo ka qaadaan madaxda Puntland oo ay soo caddeeyaan sabab lagu qanci karo oo Galmudug looga reebay shirka, maadaama Guddoonkooda dhawaan ay Muqdisho uga soo qeyb galeen furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka.