Friday, April 19, 2024

Cali Guudlaawe oo difaacay Doorashada uu kusoo baxay Fahad Yaasiin (War-Saxaafadeed)

Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/llaahi Guudlaawe ayaa difaacay doorashada kursiga uu kusoo baxay agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji, isagoo eedeyn u jeediyey Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FEIT.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Cali Guudlaawe ayaa lagu sheegay in kursiga Kursiga HOP086 uu soo maray dhammaan habraacyadii loogu talagalay doorashooyinka oo aysan jirin wax dacwo ah oo nooga timid beesha leh kursiga ama murashaxiintii ku tartantay.

WAR-SAXAAFADEEDKA HOOS KA AKHRSO

Ad

Dowladda Hirshabeelle waxa ay u gudbisay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ( FEIT) Xildhibaanada lagu soo doortay labada deegaan doorasho ee Hirshabeelle oo tiradooda guud ay ahayd 28 Mudane oo Golaha Shacabka iyo 8 Mudane oo Aqalka Sare ah.

Gudoomiyaha FEIT wuxuu shaaciyay tirada xildhibaanada cusub ee lasoo doortay, waxaana laga reebay kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo Kamid ahaa kuraastii Golaha shacabka uu soo gudbiyay gudiga doorashada SEIT ee Hirshabeelle.

Kursiga HOP086 wuxuu soo maray dhamaan habraacyadii loogu talagalay doorashooyinka , mana jirin wax dacwo ah oo nooga timid beesha leh kursiga ama murashaxiintii ku tartantay.

- Advertisement -

Sidaas darteed, maadaama Guddoomiyaha Gudiga uu ku kacay talaabooyin aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii doorashada, waxay Guddiga SEIT ee Hirshabeelle si toos ah ugu gudbinayaan liiska rasmiga Xoghayeyaasha Labada Aqalka ee Barlamaanka Federaalka.

Ugu dambeyntii, waxaan uga digeynaa gudiga FEIT in aan la siyaasadeyn habsami usocodka doorashooyinka dalka, lana dhowro heshiisyadii Golaha wadatashiga qaran, si looga fogaadaa wax kasto oo dib u dhac u keeni kara Doorashooyinka guud ee dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON