Sunday, July 13, 2025

Cali Yare: “Madaxweynaha Galmudug ayaa dalbaday in Aniga iyo waftigeygu aanan u duuli karin Galmudug”

Guddooniye ku xigeenka Gobolka Banaadir Cali yare Cali ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu ka hor istaagay inuu tago degaamda Galmudug, isagoo ku sii jeeday magaalada Guriceel.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku yiri: “Waxaane bulshada u xaqiijinayaa inuu shalay, xalay iyo saakay-ba Madaxweynaha Galmudug la soo xariiray Hey adda NISA kana dalbaday in aniga iyo waftigeygu aanan Galmudug u soo duuli karin sida ay Madaxda NISA ii xaqiijiyeen”.

Wuxuu sheegay qoraalkiisa ku sheegay in Madaxda dowlada Federaalka (Farmaajo) ay sameysay dadaal kasta oo Madaxweyne Qoorqoor ay ugu qancin kareen inuu aragtidiisa badalo, taasina aan lagu guuleysan.

dhinaca kale wuxuu beeniyay in Hay’adda NISA oo sida u usheegay ay madax ka yihiin saaxiibadiis ka hor istaageen safakiirii Galmudug. “Ma jirto mana jiri karto sabab ay Hey’ad amni oo Gobolka Banaadir ka howlgasha ay ku hor istaagi karto safar aan hoggaaminayo” ayuuna ku dooday.

Cali Yare oo ahaa saxiibka ugu weyn ee Farmaajo ayaa hadda xaalad adag kasoo food saartay Galmudug xilli uu dadal ugu hiray inu u taramo kursi Baarlamaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON