Wednesday, July 16, 2025

Caqabad soo wajahday Madaxda maamul Goboleedyada ee tegi lahaa magaalada Kismaayo

Inta badan Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa la sheegay inay maanta tegi doonaan Magaalada Kismaayo, iyagoo ka dhoofay magaalooyinka Boosaaso, Cadaado iyo Muqidsho sida ay u kala horeeyaan.

Dib u dhaca ku yimid socdaalkooda ayaa lagu sheegay arrimo farsamo iyo diyaaradihii qaadi lahaa oo shalay la waayay, waxaana  la tuhunsan yahay inay jirto faragelin ka timid dowladda Federaalka oo culeys lagu saarayo diyaaradaha taga magaalada Kismaayo, taasoo dhalisay caqabad dhinaca gaadiidka diyaaradaha ah oo heysata madaxda maamullada.

Shirka madaxda maamul Goboleedyada ee Kismaayo ayaan la ogeyn xilliga uu furmayo iyadoo hore loo qorsheeyay inuu maanta furmo laakiin waxaa la sheegay inuu maalin dib u dhici doono.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON