Monday, June 23, 2025

Ciidamada Ahlu suna oo Caawa la wareegay Xarunta D/Hoose ee Dhuusamareeb & Xiisad ka taagan magaalada

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inay Caawa xiisad ka taagan tahay magaalada, kadib marki ciidamada Ahlu suna ay dhaqdhaqaaq ka bilaabeen magaalada, iyadoo rasaas ay dhacday.

Ciidamo taabcsan Ahlu suna ayaa caawa la wareegay xarunta dowladda Hoose ee magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaasi tegay gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Ahlu suna, arrintan oo ka dambeysay markii ciidamada dowladda ay ka shakiyeen ciidamo bar ilaalo ka sameystay xarunta INJ ee ay degan yihiin madaxda Ahlu suna, ayna ku sugnaayeen xubno uu ka mid yahay madaxa Ahlu suna Sheekh Maxamed Shaakir, taasoo keenay inay rasaas halkaasi ka dhacdo.

Ciidamada Ahlu suna ayaa difaacyo ka sameysan ilaa laba xarumood oo muhiim ah, waxaana magaalada laga soo weriyey inay caawa gashay xaalad kacsan, kadib dhaqdhaqaaqa ay wadaan ciidamada taabcsan Ahlu suna.

Ad

Ciidamada dowladda oo inta badan gacanta ku haya magaalada Dhuusamareen ayaa ka shakiyey ciidamada Ahlu suna ay magaalada soo gelisay, waxaana arrimahan ay imaanayaan iyadoo Ahlu suna ay magacawday Guddi Doorasho oo barbar socda Guddigii ay dowladda Somalia magacawday, waxayna laba guddi ku wada sugan yihiin magaalada.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON