Monday, June 23, 2025

Ciidamada Amniga magaalada Muqdisho oo toogasho ku dilay Nin laga shakiyey oo ku hubeysan Qori.

Ciidamada Amniga magaalada Muqdisho ayaa toogasho ku dilay nin dabley ah oo ku hubeysnaa Qori AK 47, kaasoo la sheegay in laga shakiyey.

Falkan ayaa xalay ka dhacay agagaarka Isgoyska Maanaboolyo ee degmada Shibis, kadib markii ay ciidamado halkaasi ku sugan uu ku soo baxay nin la socda Mooto Bajaaj oo ku hubeysan Qori, waxaana halkaasi ku toogtay ciidamada oo la sheegay inay ka shakiyeen.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ninka ay dileen ciidamada Amniga uu ahaa askari ka mida ilaalada guddoomiye ku xigeenka degmada kaaraan, iyadoo lagu dilay muran dhex maray askarta ku sugan barta koontaroolka ee Isgoyska Maana-boolyo.

Ad

Dadka degaanka ayaa sheegay inay ciidamo kale halkaasi gaareen markii falka dilka ah ka dhacay, iyadoo in muddo ah uu meydkiisa halkaasi yaallay.

Ciidamada Amniga Muqdisho ayaa dhinaca kale saaka bilaabay inay hubiyaan Mooto bajaajyada ayna baaraan Mootooyinka qeybo ka mida magaalada, kadib falkii xalay dhacay.

WAR KU SOO KORDHAY HALKAN KA AKHRISO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON