Friday, July 4, 2025

Ciidamada Amniga oo dib u bilaabay howlgallo habeennadii la fulinayo xaafadaha Muqdisho & dhalinyaro badan oo..

Ciidamada Nabadsugidda iyo kuwa Booliska ayaa dib u soo celiyey howlgallo lagu baarayo xaafado iyo Guryaha magaalada Muqdisho, kadib qaraxyo iyo dilal ka dhacay caasimadda.

Howlgal kale oo ay qaadeen ciidamada Booliiska ayaa xalay ka dhacay xaafado a mida degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, iyadoo ciidamadu ay galeen guryaha oo baaritaan iyo qabqabasho ay ka dhacday, waxaana si gaara loo ururiyey dhalinyaradaha xaafadahaasi.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada ay ururiyeen dhalinyarada ku nool xaafadaha degmada Boondheere, kadibna ay isugu geeyeen goob bannaan ah oo lagu kala saaray, qaarkoodna xabsi loo taxaabay, iyadoo aan la ogeyn waxa lagu heysto.

Dhowaan ayey ahayd markii ciidamada NISA howlgal qorsheysan ka fuliyeen xaafadda Xamarjadiid ee magaalada Muqdisho, kaasoo ku koobnaa miinooyin la qarxiyey in Gurri laga qabtay koox laga shakisanaa oo la sheegay inay maleegayaan qaraxyo.

Howlgallada xaafadaha iyo guryaha ka dhanka ah ee dadka badan lagu qabto ayaa soo taxnaa tan iyo dowladii KMG ahayd ee Sheekh Shariif, waxaana ka dhashay tacadiyo weyn oo keenay inay dowladihii ka dambeeyay ay yareeyaan howlgalladaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON