Weerarroloo adeegsaday Gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa duhurkii maanta ruxay laba goobood oo ka tirsa magaaalada Muqdisho.
Qaraxa hore ayaa ka dhacay Bar ciidamada NISA ku leeyihiin agagaarka Isgoyska KM 4 oo lagu baaro gaadiidka, lagana ilaaliyo Garroonka Diyuuradaha ee Aaden Cabdulle Cismaan. Qaraxaasi waxaa ku dhintay ninkii gaariga waday oo is-miidaamiye ahaa, waxaana ku dhaawacmay 3 askari.
Saacad kadib waxaa Qarax kale uu ka dhacay Bar kontorool oo ku taalla agagaarka isgooyska Banaadir, gaar ahaan xaafadda Sey Biyaano. Qaraxan ayaa dhacay kadib markii ciidamadu rasaas ku rideen Baabuur ay ka shakiyeen.
Gaariga ayaa la sheegay inay saarnaayeen saddex qof oo loo maleynayo maleeshiyo ka tirsan Alshabaab, kuwaasoo isku dayey inay xoog ku maraan kontoroolka. Ciidamada ayaa toogtay saddexda qof, kadibna waxaa qarxay baabuurkii.
Waxaa Qaraxa labad ku dhintay laba askari oo ka mid ahaa ciidamadii ku sugnaa. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidanku ay ka hortageen weerar weyn oo ay maleeshiyadu damacsaneeyeen.
Lama oga in weerarro iyo gawaari kale oo qaraxyo sida ku soo maqan yihiin Muqdisho, iyadoo ay arrintan imaaneyso xilli magaalada ay maalmahan u xirneyd ciidamada amniga.