Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen askari ka tirsan ciidamada oo dil u geystay qof shacab ah.
Askariga ayaa la sheegay inuu rasaas ka daba furay Mooto Bajaaj dhaaftay goob koontarool ah oo gaadiidka lagu baaro, taasoo keentay inuu u dhinto qof shacab ah oo magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Maxamuud Siigaale oo ahaa rakaab la socday Mooto bajaajta.
Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay inay qabteen oo ay xabsiga dhigeen askarigii dilka geystay, iyadoo baaritaan lagu wado falkan keenay dhimashada qofka shacabka ah.
Waxaa magaalada Dhuusamareeb ku sugan ciidamo fara badan oo dowladda Soomaaliya geystay, waxaan si weyn loo xoojiyey amniga magaalada oo ay ka socdaan Doorashada Maamulka cusub ee Galmudug.