Friday, July 4, 2025

Ciidamada Amniga oo qabtay Mooto Bajaaj lagu diyaariyey Qaraxyo Waaweyn (Sawirro)

Ciidamada Amniga ayaa sheega yinay qabteen Mooto Bajaaj Qaraxyo lagu diyaariyey oo u diyaarsan in weerar lagu fuliyo, xilli ay ku sugneyd degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

Mooto Bajaajtan ayaa laga shakiyey, kadib markii cilad farsamo ay qabsatay, waxaana kadib la ogaaday inuu ku xirnaa Bam weyn iyo waxyaabo qarxa oo halis ah, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Qaraxyada ku xirnaa Mooto Bajaajta ayaa ahaa labo nooc oo qaraxyo ah, sida uu sheegay afhayeenka Booliska. Waxaana Qaraxyada furfuray Qeybta Miinooyinka ee la-dagaalanka qaraxyada ee Booliska oo gaaray goobta lagu qabtay Mootada miineysan.

Waxaa sidoo kale la qabtay labadii qof oo Mootada la socotay oo midkood ahaa darawalka Mooto Bajaajta, waxaana la sheegay in si degdega maxkamad lasoo taagi doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON