Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd ay ciidamada Amniga soo afjareen weerarkii dabley ka tirsan Alshabaab ku galeen Hotelka SYL ee u dhow Madaxtooyada Somaaliya.
Weerarka oo socday ku dhowaad 7 saacadood ayaa waxaa ka qeyb qaatay 5 ka mida dableyda Alshabaab oo ku hubeysnaa hubka fudud, bambooyin iyo waxyaabaha qarxa, waxaana ay rasaas iyo qaraxyo ka sameeyeen gudaha Hotelka, iyadoo ciidamada oo u gurmaday hotelka ay soo badbaadiyeen dad gaaraya 100 qof.
Qasaaraha hordhaca ah ee weerarka ayaa gaaraya 10 qof oo isugu jira 5 dabley ah oo weerarka fuliyey iyo 5 qof oo laba ka mida ay shacab ahaayeen, waxaana kaloo ku dhintay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo hotelka howlgalka ka waday.
Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Mukhtaar Oronjo ayaa laga soo xigtay in weerarkii Hotelka SYL ay soo afjareen ciidamada amniga dowladda Soomaaliya.